How do we use our free time?

Ugu horayntii waxaa muhiim oo lagama maarmaan in aan dhamaateenba Isla qaadano in uu wakhtigu dahab yahay waana la ogsoonyahay midaas.

Hadaba si aan wakhtigeenna qiimaha badan uga faaidaysano waa in aan kajawaabnaa dhawr suaalood oo kala ah:

1: Waamaxay wakhtiga firaaqada ahi?

2: Muxuu dhibaatooyin leeyahay waamaxayse dheeftiisu?

3: sideen Ku xalin karnaa dhibaatooyinkiisa ugana faaidaysan karnaa?

1: waamaxay wakhtiga firaaqada ahi?

Wakhtiga firaaqada ahi ama banaani wuxuu Yahay wakhti uu qof waxba qabanaynin wax hawl ah ama shaqo ahna uuna haynin.

Waa wakhti qofku iska hurdo ama iska hasaawo ama maqaaxiyaha iyo gidaarada iska fadhiyo waxbana uuna qabanaynin.

Waa goor qofku wax qorsha ah uuna kalahayn wakhtigaas isaga ah macnaha iska banaan.

Gunaanadkii waakaas wakhtiga firaaqada ah macnihiisu.

2: Muxuu dhibaatooyin leeyahay waamaxayse dheeftiisu?

Jawaabtaas aan kasoo jawaabnay macnaha wakhtiga faaruqa ah kadib halkan waxaan idinku sheegi doonaa waa maxay dhibaatooyinka iyo dheefta uu leeyahay wakhtiga firaaqada ahi.

1: Dhibaatooyinka wakhtiga firaaqada ah

Qodabka badanaa dadku ma fahansana waxaana dhaca dhibaatooyin sababa in qofku uu nolosha kadhoco.

Exemple waxaad arkaysaa qof wayn oo 6 saacadood ilaa iyo 12 saacadood qaad ama jaad u fadhiya waana wakhti lumisyada ugu waawayn. Waxaa kale ood arkaysaa dhalinyaro gidaaradaas fadhiya oo doodaya wax malaayacniya oo aduun iyo aakhiraba isoo kordhinayn haya. Maye waxaa Jira odayaal maxaa layidhi iyo Sheeko Eber ah maqaayadaha lafadhiya. Markaas dhibaatooyinkaas iyo kuwo kale oo badanba waxaa keena wakhtiga firaaqada ah (banaan) sabbna u ah. Hadii uu qofku is mashquulin lahaa wakhtiyadaas wax wanaagsan ayuu naftiisa u horseedi lahaa.

Anigoo kafaaidaysanaya qodobkan waxaana leeyahay dhalinta iyo odayaasha iyo cid walba uu qoraalkani quseeyo inay taxadar badan kamuujiyaan wakhtigan firaaqadu jirto.

2: Dheefta uu leyahay wakhtiga firaaqada ah

Waxaan Soo sheegnay oon kor kusoo husnay waamaxay wakhtiga iyo waamaxay dhibaatooyinka iyo dheefta uu wakhtiga firaaqada ahi wato ama uu nolosha u leyahay.

Imikana waxaan wax yar tilmaamaynaa dhinaca wanaagasan ee wakhtiga looga faaidaysan karo.

Waxaana kamid ah: 

1: In aad wax akhrin: inaad wax akhrin samaysid sida taariikh qisooyin iyo waxyaabe kaleba

2: In aad wax baratid: waxbarashadu waa muhiim marka aad wakhti firaaqa ah haysatid sida courses iyo formation macnaha xirfado gacmeed( sida korantada loosameeyo, informatiga iyo mekaniga)

3: Inaad wax uun dadka kuso kordhisid: Qodabkani waa u muhiim adiga wax tabinaya iyo kan kaafaaidaysanayaba markaa waa Inaad noqotid qof dadka wax tara marka uu firaaqda hayo.

Ugu dambayn sadexdaa qodob ayaan kusoo koobayaa waxaana loobaahanyahay in aan kafaaidaysano qodabadaas kor Ku xusan oo dhan.

Mahadsanidiin.

Aucun commentaire:

Enregistrer un commentaire